Itoobiya oo sheegtay in cabsi ay ka qabto Al-Shabaab u aqoonsan wayday Somaliland.

Saturday October 17, 2026 - 09:51:59
MeMO Staff
Safiirka Itoobiya u fadhiya Yahuudda, ninka lagu magacaabo Tesfaye Yetayeh Anteneh, ayaa sheegay in cabsida laga qabo khatarta jihaadiyiinta Al-Shabaab ay tahay sababta hortaagan in Itoobiya ay dal madaxbannaan u aqoonsato maamulka ashahaado-la-dirirka Somaliland.
Isagoo safiirku waraysi siinaya telefishanka Sahaayinada ee i24 News, ayuu ku doodday in aqoonsiga maamulka Hargeysa uu sababi karo fursado ay jihaadiyiintu uga faa’iidaystaan weerarro halis ah oo ay ku beegsadaan maamullada Itoobiya iyo Somaliland.

Mar la waydiiyey sababta Itoobiya u qaadi wayday mid la mid ah tallaabadii Yahuuddu ay ku aqoonsatay maamulka Somalilad ayuu safiirku tilmaamay in go’aanka naacaas ah uu cawaaqib amni oo aad u culus ku yeelan karo ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

"Waad ogtahay waxa kooxda Al-Shabaab ay ka waddo Soomaaliya. Waa urur aad khatar u ah, ciidamada Itoobiyana waxay ku sugan yihiin gudaha Itoobiya. Tusaale ahaan, haddii Itoobiya ay Somaliland aqoonsato,….” Ayuu yiri safiirka Itoobiya.

Isagoo Tesfaye Yetayeh Anteneh, hadalkiisa sii wata ayuu intaasi sii raacshey "Arrintaasi waxay jihaadiyiinta Al-Shabaab siin doontaa fursad ay ku weerarto Somaliland iyo Itoobiya. Sidaas darteed, arrintani waa mid aad u xasaasi ah.”

Hadalka safiirka ayaa imanaya xilli warar hoose oo soo baxay saacadihii lasoo dhaafay ay sheegayaan in xiriirka maamullada Addis Ababa iyo Hargeysa uu sii xoogaystay kadib markii Xasan Gurguurte uu ku biiray safka dalalka Masar iyo Erateriya oo ay si weyn isku hayaan Itoobiya.

Related Items

Update cookies preferences